Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan la qaatay Dhigiisa dalka Japan.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7-aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe.

Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, shaqo abuurka dhallinyarada, maalgashiga beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, tababarka ciidanka Booliiska iyo taageeridda Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isdhaafsaday aragtidooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha wadajirka ah ee Afrika iyo Japan ee lagu jaangooyay muddada saddexda sanno ah ee soo socota iyo sidii maalgashadeyaasha u dhashay dalka Japan ay ugu soo dhiirran lahaayeen in ay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan guulaha muuqda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen muddadii la soo dhaafay iyo doorka hoggaamineed ee ay ka qaadan karaan kobaca dhaqaalaha iyo isku xirnaanta dalalka Gobolka.

“Waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo adiga iyo shacabka Japan soo dhaweynta diirran ee aad noo sameyseen aniga iyo wafdigayga muddadii aan halkan ku sugnayn. Waxaan abaal uga haynaa Japan taageerada tooska ah iyo midda dadban ee ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.”

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa xusay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay barnaamijka iskaashiga labo geesoodka ah ee Japan iyo Afrika isagoona uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo qaybgalka madashan iyo qorsheyaasha wax ku oolka ah ee ay soo bandhigeen.

Ra’iisul Wasaare Abe ayaa sidoo kale ku bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumarka ay ka gaartay dowlad wanaagga, dib u habeynta dhaqaalaha iyo ciidamada qalabka sida, wuxuuna ballan qaaday in Japan ay kaalin mug leh ka gaysanayso dadaallada dayn cafinta oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Maaliyadda oo ay Japan ka tahay xubin firfircoon.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...