Bulshada Magaalada Dhuusamareeb oo soo dhaweeyay Ciidanka AMISOM ee gaaray magaaladaas. +Sawirro

Date:

iidamo ka tirsan Howlgalka Nabad ilaalinta midowga Afrika ee Amisom ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug halkaasoo uu  ugasii horeeyey Taliyaha guud ee Amisom.

Ciidamadan  oo ka socda  Dalka Jabuuti kana qaybta  ah Howlgalka AMISOM ayaa waxaa soo dhaweeyey Saraakiisha Qaybta 21aad ee Ciidamada Xoogga Dalka,   Xildhibaano Heer Federaal ah iyo Bulshada deegaanka  kuwaasoo  uga hortagay duleedka Dhuusamareeb, waxaana haatan garoonka kubadda cagta ee dhuusamareeb ka socota Munaasabad lagusoo dhaweynayo.

Ciidamada ayaa xalay  soo maray Magaalada Guriceel iyagoo  ugasii ruqaansaday Magaalada  Dhuusamareeb,  Halkaasoo ay ka  socdaan Howlo loogu gogol xaarayo doorashada madaxtinimada Galmudug.

Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidamadan AMISOM ayaa waxay  sheegeen  in Ciidamadan ay ka qayb qaadanayaan Sugida Amniga iyo la dagaalanka kooxda  Argagixisada ee Alshabaab.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dhankooda sheegay in ciidamadan inta ay joogaan ay ka qeybqaadan doonnaan Howlo muhiim oo dhinaca Amniga la xiriira.

“Ciidamada walaalaheen ee hiil-walaal ee ka socda dalka Jabuuti hadana u yimid inay naga caawiyaan arimaha Amniga, shirarka socda, iyo la dagaalanka Argagaxisada intuba waxaan rajeynayaa inay si fiican noogala  shaqeeyaan, si waynna waan usoo dhaweyneynaa waana ku faraxsannahay inay noo imaadaan” ayuu yiri Taliyaha Qeybta 21 aad ee Ciidamada Xooga Dalkeenna  Gen Cabdicasiis  Cabdullaahi Qooje oo ka hadlayey goob fagaara ah oo Ciidamadaas lagusoo dhaweynayey

Dhinaca kale  Shirkii Dib uheshiisiinta Galmudug ayaa la filayaa in dhawaan uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb iyadoo badi ay halkaas gaareen  Ergooyinki loo qorsheeyey inay shirkaas ka qeybgalaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...