Safaaradda Soomaaliya ee Yugandha oo tartan kubadda cagta ah u qabatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo kunool halkaasi

Date:

Qunsulka guud ee safaaradda Soomaaliya dalka Uganda, mudane Jibriil Afyare ayaa maanta xarrunta safaaradda ee magaalada Kampala waxa uu kullan kula yeeshay kooxda kubadda cagta ee CROWN FC.

Kullanka oo uu ka soo qeybgalay Agaasimaha guud ee shirkadda duulimaadka CROWN BUSINESS SOLUTIONS LTD , ahna milkiilaha kooxda CROWN FC, mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa ujeedkiisa ahaa dhiirri gellin iyo casuumaad uu qunsulka u sameenayay kooxdan.

Koxda CROWN FC ayaa ku guuleysatay tartan kubadda cagta ah oo loo qabtay 12-koox oo ka dhisan dalka Uganda, iyadoo tartanka lagu maamuusayay xuska 59-guurada ka soo wareegtay 1-da LUULYO oo ah markii dalkeenna Soomaaliya uu xornimada ka qaatay gumaystihii Talyaaniga iyo israacii gobollada Waqooyi iyo Koonfur, waxaana tartaankaas soo agaasimay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda.

Qunsulka guud ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda, mudane Jibril Afyare ayaa maamulka, ciyaartooyda iyo macallimiinta kooxda CROWN FC uga mahadceliyay guusha ay tartankaas ka gaareen, isagoo u sheegay in ka safaarad ahaan ay aad u soo dhawenayaan guusha ay kooxdan gaartay, ayna garab taagan yihiin mar walba.

Qunsul Jibril Afyare ayaa xusay in ka safaarad ahaan ay diyaar u yihiin dhiirri gellinta guud ahaan jaaliyadda iyo bulshada Soomaaliyeed ee dalka Uganda, gaar ahaan dhallinyarada.

Dhankooda maamulka, macallimiinta iyo ciyaartooyda kooxda CROWN FC ayaa aad u soo dhaweeyay kullanka casuumadda iyo dhiirri gellinta ee uu u fidiyay qunsulka safaaradda, mudane Jabril Afyare, iyagoo ammaanay waxqabadka hagar la’aanta ah ee had iyo habeen uu qunsulka u fidiyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku nool dalka Uganda.

Ciyaaraha kubadda cagta ayaa kamid ah astaamaha wanaagsan ee is dhex galka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...