Madaxweynaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Wasiiru-Dowlaha Ingiriiska ee qaabilsan Arrimaha Afrika

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen Ayaa daahfurey Xarun loogu talagalay Tababarka ciidanka xooga dalka oo ay maalgalinteeda ka qeybqaateeb dowladda dalka Ingiriiska

Kulankii daahfurka xaruntaasi waxaa  siddoo kale ka qeybqalay xubno ka socday dowlad goboleedka K/Galbeed.,saraakiil,Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Dibada dowlada Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Arimaha Afrika, Safiirka Dowlada Ingriiska u fadhiya Somaliya iyo Sarakiil Kala Duwan.

Madaxweynaha K/Galbeed iyo madaxdii  kale ee ka socotay dalka Ingiriiska,waxa ay Soo Dhoweyn ka dib kormeeren qeybaha ay ka koobantahay Xaruntan sida xafiisyada.qolalka jiifka  iyo goobo lagu Barto Sida Wax loo liisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen ayaa ka mahad-celiyay sida  sarakiisha dowlada UK ay Mar waliba u garab tagan yiihin dhismaha ciidan Tayeysan oo la wareega amniga guud deegaanadda Koonfur Galbeed,wuxuuna ka dalbaday in ay ka qeybqaataan xoreynta deegaanada maamulkaasi iyo sidii wax looga qaban lahaa Xaaladaha Bini- aadanimo ee ka jira Koonfur Galbeed Somaliya.

Madaxda ka socotay Dowlada Ingiriiska ayaa dhankooda waxa ay sheegen inay wadaan sidii ay u soo saari lahayeen macalimiin Somali ah oo tababarta ciidanka waxaana ay carabka ku adkeeyen in UK ahaan ay kaalin weyn ka geysan doonan xoreynta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoona xusay in mar waliba muhiimada kowaad ay siinayaan arrimaha bini-aadanimada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...