Ciidamada Xoogga Dalka oo Dilay Maleeshiyaad Ka tirsan Al-shabaab.

Date:

Muqdisho (SNTV) Ciidamada Xoogga dalka ayaa fashiliyay weerar gaadmo ah oo ay nabad diidka argagaxisada arxanka daran ee Al-shabaab damacsanayd in ay ku qaadaan tuulada Ceelsaniini oo qiyaastii 15-Kilomitier u jirta deegaanka Nambar 50 ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Abaanduullaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Xoogga dalka Gaashaanle Aadan Axmed Cali oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay heleen xogta argagaxisada isla markaana ay ka hortageen, isagoo sheegay in labo ka tirsan maleeshiyada ay ku dileen halka ay afar kale ay ku dhaawaceen.

Ciidamada qalabka sida ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday gobalka Shabeellaha hoose howlgallo lagu baacsanayo argagaxisada, iyadoo maleeshiyada Al-shabaab ay soo wajahday cabsi xooggan oo uga imaaneysa Ciidamada geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in dhawaan deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobalka laga xoreeyay cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee arxanka daran ee Nabad diidka Al-shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...