โ€Boqortooyada Sacuudi Carabiya sanadkan waxay Xujayda u diyaarisay adeegyo casri ah.

Date:

Wasiirka Wasaaraddaย  Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, ayaa bogaadiyay howlaha iyo adeegyada ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya u diyaarisay xujayda Sanadakaan.

Wasiirka ayaa tilmaamay horumarka wayn ay Boqortooyada Sacuudiga ka gaartay nidaaminta iyo fududaynta adeegyada xujayda sanadakan ,kuwaasi oo si heer sare ah loo diyaariyay, islmarkaasna lagu soo kordhiyay adeegyo casri ah.

Wasiirka Awqaaf iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Nuur ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudiga sida wanaagsan ay xujayda Soomaliyeed ugu adeegeen, iyagoo u fududeeyay dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen,wuxuuna tallaabadaasi ku tilmaamay in ay tahayย hiil walaaltinimo.

Wasaaradda Cumrada iyo Xajka Boqotooyada sacuudiga sanadkan waxa ay ku soo kordhisay adeegyo casri ah iyo Barnaamijyo, kuwaas oo ka qaybqaatay fududaynta adeegyada xujayda sanadakan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...