”Boqortooyada Sacuudi Carabiya sanadkan waxay Xujayda u diyaarisay adeegyo casri ah.

Date:

Wasiirka Wasaaradda  Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, ayaa bogaadiyay howlaha iyo adeegyada ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya u diyaarisay xujayda Sanadakaan.

Wasiirka ayaa tilmaamay horumarka wayn ay Boqortooyada Sacuudiga ka gaartay nidaaminta iyo fududaynta adeegyada xujayda sanadakan ,kuwaasi oo si heer sare ah loo diyaariyay, islmarkaasna lagu soo kordhiyay adeegyo casri ah.

Wasiirka Awqaaf iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Nuur ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudiga sida wanaagsan ay xujayda Soomaliyeed ugu adeegeen, iyagoo u fududeeyay dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen,wuxuuna tallaabadaasi ku tilmaamay in ay tahay hiil walaaltinimo.

Wasaaradda Cumrada iyo Xajka Boqotooyada sacuudiga sanadkan waxa ay ku soo kordhisay adeegyo casri ah iyo Barnaamijyo, kuwaas oo ka qaybqaatay fududaynta adeegyada xujayda sanadakan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...