Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray dalka Koonfur Afrika

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamh. Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb geli doono shirka Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika  mudane Jamaal Maxamed Barrow oo soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika uu yahay dal muhiim u ah Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxmaan ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha Safaaradda ee soo dhoweynta diiran u fidiyay waxaana ka warbixiyay ujeedka safarkiisa dalka Koonfur Afrika oo uu sheegay in ay tahay inuu kaga qeyb galo shirka guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo lagu wado inuu ka furmo dalka Koonfur Afrika.

Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Afrika ayaa mudada uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa Arrimaha Qaxootiga Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...