Sifooyinkii marxuum eng.Yariisoow “Daacadnimo, Degenaan iyo Aragti dheeri”

Date:

Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ma ahayn shaqsi ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna la soo shaqeeyay dhowr xukuumadood oo kala danbeeyay oo soo maray dalka, isagoo soo qabtay xilal wasiirnimo, sidoo kale marxuumku wuxuu muddo dheer ka soo shaqaynayay arimaha bulshada, wuxuuna ku lahaa dhaqdhaqaaqyadaasi kaalin firfircoon oo hoggaamineed oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Allaha u naxariistee eng. Yariisoow wuxuu soo noqday wasiirka Warfaafinta iyo waiirka wasaaradda Lacagta, Afhayeenka Madaxtooyada, La taliye Madaxwayne, isagoo sidoo kale muddo toban sano ah ka soo shaqeeyay dowladda hoose  magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Dhanka kale marka dib loo raaco Khibradda shaqo uu lahaa Marxuum eng. Yariisoow waxaa kuu soo baxaya in uu ahaa qof aad ugu habboon xilka loo igmaday ee ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Caasimadda dalka ee Muqdisho, dhanka kale wuxuu aqoon badan u lahaa dhanka maamulka iyo maaraynta iyo kulliyaddii Injineeriyada ee Jaamacadda Umadda Soomaaliya.

Marxuum eng.Yariisoow wuxuu ahaa  siyaasi Qunyar socod ah oo jeclaa in arin walba lagu dhameeyo is qancin, mana ahayn shaqsi khilaaf abuura, waan sababta aan is leeyahay in loogu xulay hoggaaminta Caasimadda dalka , marka laga soo tago aqoontiisii iyo xirfadihii ballaarnaa oo uu lahaa.

Dhinaca shaqsiyadda Marxuumka waxaa dadka aqoonta durugsan u leh ku tilmaameen inuu ahaa qof saxiibo badan lahaa,taasi oo uu ku kasbaday shaqsiyaddiisa qof ahaaneed oo ku dhisnayd Mutawaadacnimo ama islawayni la’aan,ixtiraam, daacadnimo, xanaf la’aan, degenaan, iyo aragti dheeri

Soomaalidu waxay tiraahdaa nin rooni maraago, 24kii bishii Luulyo ayuu mudane yariisoow ku dhawaacmacmay qarax ay argagixisadu ka danbeeyeen oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, maalintii xigtay ee 25ka Luulyo ayaa loo qaaday dalka Qadar, balse 1dii bishan Ogost ayuu marxuumku ku geeriyooday magaalada Dooxa.

Madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha J.F.S.  md. Max’ed C/llaahi Farmaajo,guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Ra’iisalwasaaraha X.F.S. Md. Xasan Cali Khayre ayaa dhamaantood tacsi u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed ,gaar ahaan shacbiga ku nool gobolka Banaadir , Qoyskii, eheladii, Xaaskii iyo caruurtii uu ka geeriyooday guddoomiyahii gobolka Banaadir  Marxuum C/rraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow.

Geerida Marxuumka ka dib waxaa madaxwayne Farmaajo ku dhawaaqay in dalka uu galayo seddex maalmood oo loo baroordiiq ah isla markaana waxaa hoos loo dhigay calanka J.F.S iyo Calanka Gobolka Banaadir, dhinaca kale waxaa la magacaabay guddi qabanqaabo aas qaran.

Waxaa manta oo taariikhdu tahay 4-8-2019ka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad khaas ah oo waday maydka Allaha u naxariistee Gudoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho  eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Waxaa kale diyaaradda marxuumka waday la socday masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya oo ka soo raacay dalka Qadar,qaar kamid ah ehelada ,xaaska iyo caruurtiisa.

masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa maydka ku sugayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Salaada Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Maydka duqii magaalada Muqdisho  Marxuum Eng Cabdirixmaan Cumar Cismaan Yariisow,madaxda Qaranka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay salaadda Janaasada.

Waxaa goor dhow lagu aasay Marxuumka Qabuuraha ku yaala  Dugsiga Sare Booliiska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdidho.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan eng.Yariisoow waxa uu ku dhashay degmadda Hodan ee gobolka Banaadir 16 kii August 1965kii.Waxbarashadiisa dugsiga sare waxa uu ka baxay Banaadir Secondary School, isagoo sidoo kalena  ka qalinjebiyey jaamacadda Umadda  Soomaaliyeed(J.U.S), gaar ahaan kuliyadda Civil Engineer sanadkii 1986kii.

Wuxuu ka soo Shaqeeyay Dawladda Hoose ee London intii u dhaxeysay sanadihii 2000  ilaa 2003.

Waxa uu noqday shir guddoonka kooxdii Somali Concern Group intii u dhaxeysay May 2004  ilaa October 2008

Wuxuu noqday Madaxa Xafiiska Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dowladdii KMG ka aheyd intii u dhaxeysay October 2008   ilaa February 2009.

Waxa uu noqday Agaasimihii Hab Maamuuska Xafiiska Madaxweynaha intii u dhaxeysay February 2009  ilaa   August 2009.

August 2009 waxaa loo magacaabay Wasiirka Lacagta Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkiisana hayey ilaa July 2010.

July 2010 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Dowladdii KMGka aheyd isagoo xilkaasina hayey ilaa December 2010

3 December 2010 Waxaa loo magacaabay La taliye sare oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenkii Dowladdii KMGka aheyd isaga oo xilkaasina hayey ilaa 19kii June 2012
20kii June 2012 Waxa uu noqday Agaasimihii Radio Barkulan isaga oo xilkaasina hayey ilaa 25kii April 2013

26kii April 2013 waxaa loo magacaabay la taliye sare iyo Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo shaqadaasina hayey ilaa 23kii April 2014

Intii u dhaxeysay 24kii April 2014  ilaa   21kii March 2017 waxa uu ahaa la taliye sare oo dowladda Soomaaliye kala taliya Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

21kii March 2017 waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya

21kii January 2018 waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho

Waxa uu ifka uga tagay 7 carruur ah (2 wiil iyo 5 gabdhood, maanta oo ay taariikhdu tahay 01 August 2019 ayuuna ku geeriyooday magaalada Doha ee Dalka Qatar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...