Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo Xukun dil ah ku ridday xubin ka tirsan Daacish

Date:

Maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay danbiile Daacish Aadan Max’ed Cali kadib markii lagu helay falal dilal ah oo uu ka gaystay gobollada Bari iyo Banaadir.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo C/Shakuur Xaaji Barsanji, kadib markii lagu waayay wax danbi ah

Eedaysanaha 1aad Aadan Max’ed Cali,waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish una qaabilsan yahay qaybta fulisa dilalka qorshaysan,isagoo kasoo howlgalay gobolada Banaadir Iyo Bari, qaybna ka ahaa fulinta dilalka soo socda:-

1-Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018, waxay isaga iyo labo ruux oo kale Boosaaso waxay ku dileen MarxuumEx-L/x/le Axmed Hurfe Jaamac oo ahaa taliyahii gaadiidka madaxtooyada Puntland.

2-Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018 ,waxay sidoo kale magaala Boosaaso ku dileen marxuum C/raxmaan Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray magaalada Boosaaso.

3-Taariikhdu markay ahayd 19/01/2019 waxay isaga 2 ruuxoo kale degmada H/wadaag  ee magaalada Muqdisho  ku dileen labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray       (Axmed Shiikhaal)iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/laahi dheere).

4-Taariikhdu markay ahayd 27/01/2019 waxay degmadaYaaqshiid ku dileen marxum Ex-D/le Axmed  Cabdi Xuseen, iyadoo ciidamada amnigu ay soo qabteen kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray fulinta dilka marxuumka.

Eedaysnaha 2aadC/Shakuur Xaaji Barsanji oo horay loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish isla markaana gacansiinayay danbiilaha koowaad ee dilka lagu xukumay, ayaa Maxkamadda darajada koowaad ee C.Q.S amartay in xabsiga laga sii daayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...