Xukuumadda oo u hambalyeysay maamulka Puntland

Date:

Dhuusamareeb-(SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Dowlad Gobaleedka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1da August oo ku beegan 21 sano guurada kasoo wareegtay maalintii dhidibada loo taagay.

“Hambalyo, dhammaan reer Puntland. Waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowlad Goboleedka Puntland. Waxaan bogaadinayaa horumarka ay Puntland ku tillaabsatay 21kii sano ee ay jirtay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay horumarka dhanka maamulka iyo xasilloonida ay Puntland ku tillaabsatay 21-ka sano ee ay jirtay, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka deegaanka iyo guud ahaan qarannimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay horumar ballaaran, nabad iyo barwaaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...