Madaxweynaha Koofur Galbeed oo si Toos ah u furey Bandhigga Baydhabo

Date:

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa Maanta Waxaa ka dhacay Furitaanka Bandhiga Dhaqanka Farshaxanka waxsoosarka iyo Buugaagta kaasi oo loogu Magac daray Bandhiga Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfir Galbeed, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda KG, Wasiiro xildhibaano Ka wada Tirsan Dowlada Dhexe iyo Dowlad goboleedka iyo Aqoon yahano ayaa ka qeyb galay Bandhiga Baydhabo.

Bandhiga ayaa inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay Wax soo saarka Dalagyada Qeybahooda kala duwan Buugaag ay qoreen aqoon yahano iyo Farshaxanka oo ay kamid ahaayeen hiddaha iyo dhaqanka.

Kasoo qeyb galeyaasha Bandhiga Badankooda waxay xirnaayeen Hiddaha iyo Dhaqanka, Taasi oo muujinaysa Bandhiga inuu ka duwanaa Bandhigyada kale

Gudoomiyaha Barlamaanka Koofur Galbeed  mudane Cabduqaadir Shariif Shekhuna maye ayaa dhankiisa umahad celiyey Dadkii Soo abaabulay Bandhigan waxaana uu Sheegey in bulshada muhiim ay utahay inay helaan bandhigyo Noocaan oo kale ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen ayaa si Toos ah ufurey Bandhiga Baydhabo Kaasi oo Maalmo kasocon doona Magaalada baydhabo waxana madaxweynaha uu Sheegey in Kan Dowlad ahaa ay kaalin ka geysan doonaan Cid waliba oo jacayl hormarka Deeganada Koonfur Galbeed Waxana uu umahad celiyey Cid waliba oo kalin ka geysatay bandhigan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...