Culimada oo ka digtay in taageero la siiyo Al-shabaab

Date:

Culimada Soomaaliyeed  ayaa shacabka iyo ganacsatadaba  ugu baaqay in aan gabbaad la siin lana taageerin Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish xilli ay toos uga hadlayeen Telefishinka Qaranka.

Guddoomiye ku xigeenka Dalladda Culimaa’udiinka Soomaaliyeed  Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa ganacsatada dhaqaalaha baadda ah siiya Al-Shabaab ugu digay in aysan u hoggaansamin awaamiirta kuwa caadeystay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jiri karaan dad hantidooda ku taageera Al-shabaab  si ay u sii wadaan xasuuqa, taasina ay ka dhalan karto dhibaato dheer iyo carrada ALLE.

“Qofkii cabsi uu ka qabo Al-shabaab awgeed Lacag u siiyo in uu qeyb ka yahay dembiyada ay geysanayaan, isagoo kula taliyay Dadka bixiya baadda Argagixisada ay ka towbad keenaan arrintaasi oo halis ku ah Aakhiradooda Alle hortiisa aysan mar marsiiyo ka noqoneyn waxaan ku badbaadinayay maalkeyga iyo Nafteyda” ayuu yiri  Sheekh Nuur.

Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed  Sheekh Bashiir Axmed Salaad  ayaa isna Dhallinyarada la marin habaabiyay ugu baaqay in ay ka soo laabtaan Waddada khaldan iyo fikirka gurracan ee Kooxda Al-Shabaab.

Waxa ay si wadajir ah uga tacsiyeeyeen dadkii ku dhintay falkii shalay,  iyagoo EEBBE uga baryey masuuliyiin dhaawac uu ka soo gaaray in uu siiyo caafimaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...