Culimada oo ka digtay in taageero la siiyo Al-shabaab

Date:

Culimada Soomaaliyeed  ayaa shacabka iyo ganacsatadaba  ugu baaqay in aan gabbaad la siin lana taageerin Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish xilli ay toos uga hadlayeen Telefishinka Qaranka.

Guddoomiye ku xigeenka Dalladda Culimaa’udiinka Soomaaliyeed  Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa ganacsatada dhaqaalaha baadda ah siiya Al-Shabaab ugu digay in aysan u hoggaansamin awaamiirta kuwa caadeystay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jiri karaan dad hantidooda ku taageera Al-shabaab  si ay u sii wadaan xasuuqa, taasina ay ka dhalan karto dhibaato dheer iyo carrada ALLE.

“Qofkii cabsi uu ka qabo Al-shabaab awgeed Lacag u siiyo in uu qeyb ka yahay dembiyada ay geysanayaan, isagoo kula taliyay Dadka bixiya baadda Argagixisada ay ka towbad keenaan arrintaasi oo halis ku ah Aakhiradooda Alle hortiisa aysan mar marsiiyo ka noqoneyn waxaan ku badbaadinayay maalkeyga iyo Nafteyda” ayuu yiri  Sheekh Nuur.

Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed  Sheekh Bashiir Axmed Salaad  ayaa isna Dhallinyarada la marin habaabiyay ugu baaqay in ay ka soo laabtaan Waddada khaldan iyo fikirka gurracan ee Kooxda Al-Shabaab.

Waxa ay si wadajir ah uga tacsiyeeyeen dadkii ku dhintay falkii shalay,  iyagoo EEBBE uga baryey masuuliyiin dhaawac uu ka soo gaaray in uu siiyo caafimaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum C/raxmaan Yacquub

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo Maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxaa maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka socda Shirweynaha Bahda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Pakistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...