Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wadajir u qaabbilay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya , James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu Gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya si dib uga kabto arimahaa dhaqaalah ee kobac kusocdo.
Soomaaliyaa ayaa tabaabusheysi ugu jirta sidii ay halganka dayn cafinta ay guullo uga gaari lahayd, sidoo kale dowladdaha deeq bixiiyaasha caalamiga ayaa sheegay in ay garab istaagi doonnaan sidii uu usoo kabaan lahaa dhaqaalaha dalka Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale kala hadlay Madaxweynuhu u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada ay u baahan yihiin.