Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo ka qeyb galay Shirkad fursado waxbarasho u soo bandhigtay ardayda Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho (SNTV) Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay kulan lagu soo bandhigayey adeegyada Waxbarasho ee shirkadda Orange Worldwide ay  u heyso Ardayda Soomaaliyeed.

Madashan oo kulmisay mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jirtay Soomaali, Turki iyo bahda Waxabarashada waxaa lagu soo bandhigay adeegyada Waxbarasho ee shirkadda Orange ay u heyso Ardayda Soomaaliyeed, kuwaas oo isugu jira deeqo waxbarasho oo ah dalalka Turkiga, Qubrus, Giriiga iyo dalal kale oo badan.

Shirkada Orange oo ka shqeysa arrimaha bulshada sida Waxbarashada iyo caafimaadka ayaa munaasabadda kusoo bandhigtay deeqo waxbarasho oo kala duwan oo ay ardayda Soomaaliyeed ugu talo gashay oo isugu jira kuwa lacag la’aan ah iyo kuwa uu qarashkooda uu aad u yaryahay, iyadoo dhinaca kale ardayda loo sharaxay qaabka ugu fudud oo ay u dooran karaan taqa-susyadooda waxbarasho.

Gudoomiyaha Guud ee shirkadda Orange Worldwide Jabriil Cumar Maxamed ayaa sheegay in ardayda Soomaaliyeed ay u hayaan fursado waxbarasho, isagoo intaa ku daray inay jiraan shaqooyin u qorsheysan oo ay rabaan inay u qabtaan ardayda Soomaaliyeed.

Ismaaciil Yuusuf Cismaan Agaasimaha Waaxda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan shirkad walba oo gacan ka geysaneysa sare u qaadidda Waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo munaasabada soo xiray ayaa  ardyada ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadaha waxbarasho oo ay heystaan si ay dalkooda waxbadan ugu qabtaan, isagoo intaa ku daray inay soo dhaweynayaan cidkasta oo gacan ka geysaneysa horumarinta Waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muxuu Danjire Ilyaas Cali Xasan kala hadlay Danjire Stephen Mbundi?

Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania iyo Ururla Bulshadda Bariga Afrika,...

Wasaaradaha Beeraha Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis is-afgarad muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHCABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY HESHIISKII LAGU DHISAY URUR GOBOLEEDKA IGAD

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...