Golaha Aqalka sare oo maanta ka dooday hindise sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV) Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah ka dooday  Ajendaha shirkooda oo ahaa  Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranaka (GMCQ).

Kulankii Maanta oo ahaa kii 10-aad , kalfadhigiisa 5-aad  ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator;  Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray  hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).

Senator Dr.  Osman Maxamuud Dufle oo  xubin ka ah Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha Beni’aadannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin qodabada wax ka bedelka lagu sameeyay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...