Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda oo booqday Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya

Date:

Jeddah-(SNTV)-Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane ; C/qaadir Axmed Qeyr iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo kormeeray Qunsuliyadda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya.

Wuxuu si weyn ugu kuur-galay Wasiiru Dowluhu, shaqada ka socota Qunsuliyadda iyo howlaha kala duwan ee ay u qabato Dadka Soomaaliyeed ee nool Magaalada Jeddah iyo nawaaxigeeda.

Mudane ; Axmed Qeyr, ayaa Qof-Qof ula sheekeystay shaqaalaha ka howlgala gudaha Qunsuliyadda, isagoo ka wareystay adeegyada kala duwan ee ay u qabtaan Ummadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Qunsulka guud ee Soomaaliya u joogo Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya, Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Wasiiru Dowlaha, isagoo aad usoo dhoweeyay ugana mahad celiyay booqashadiisa.

“Waxaan warbixin yar ka siinnay qaab howleedka ay u shaqayso Qunsuliyadda iyo muwaaddiniinta Soomaaliyeed baahiyaha ay qabaan iyo wixii loo qabtay, ayuu yiri Qunsulka guud ee Soomaaliya u joogo Dalka Sacuugiga’ Ilyaas Sheekh Cumar.

Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/qaadir Axmed Qeyr ayaa ka mahad celiyay soo dhoweyntii diirranayd ee loo sameeyay,wuxuuna sheegay in madaxda iyo shaqaalahuba ay warbixin fiican ka siiyeen howlaha ay Qunsuliyadda u qabato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sacuudiga.

Wuxuu sheegay in Qunsuliyadda guud ee Magaalada Jeddah ay ka mid tahay meelaha ugu muhiimsan, shaqa wanaagsanna ay ka socoto, isagoo intaa raaciyay in ay baahiyo ka jira gudaha Qunsuliyadda oo ay diyaar u yihiin ka Dowladda dhexe ahaan in ay wax ka qabtaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...