Guddiga qabanqaabada dib u heshiisiinta Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

Date:

Dhuusamareeb (SNTV);- Xubnaha Guddiga qabanqaabada dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta gaaray caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wafdiga ayaa markii ay ka degeen garoonka Ugaas Nuur waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Maamulka Gobolka Galgaduud, kan Degmada iyo qeybaha bulshada ee degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Jimcaale oo la hadlay wafdiga ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Guddiga, ayna ku soo dhaweynayaan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

“Xubnaha guddiga dib u heshiisiinta ku soo dhawaada caasimadda Galmudug, ku soo dhawaada shaqadii aad u socoteen, qofkasta kaalin ayuu ka qaadan doonaa, gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhawaada”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Maxamed Maxamuud Gacmo Dheere oo ka tirsan xubnaha guddiga ayaa sheegay in u jeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii ay u fulin lahaayeen arrimaha dib u heshiisiinta.

“Anaga oo dooneyna mas’uuliyadda ay Xukuumadda noo magacaawday oo ah dib u heshiisiinta, waxaan diyaar u nahay inaan idinkala qeyb qaadano dhemeystirka shaqada aad wadeen, waana wada joognaa, inti tababarteena howlaha dib u heshiisiinta ayaan xoojineynaa” ayuu yiri Maxamed Gacmo dheere oo ka tirsan xubnaha Guddiga.

Guddiga ayaa waxaa horyaalla howlo badan oo ah dib u heshiisiinta, waxaana magaalada Dhuusamareeb ay marti gelineysaa shirka arrimaha dib u heshiisiinta looga hadlayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...