Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo gabdho qurbo joog ah oo kormeeray Deegaanka Ceeldibir

Date:

Mudug (SNTV);- Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye oo ay wehliyaan gabdho Soomaaliyeed oo ka mid ah qurba joogta reer Galmudug ee Dalka Ingiriiska ayaa kormeer howleed waxa ay ku mari doonaan deegaannada Gobalka Mudug intooda badan, taas oo la xariirta si maamulka cusub ee Gobalku uu xog rasmi ah uga helo baahiyaha dhanka adeegyada bulshada ee ka jira deegaanada, waxaana socdaalkiisa ugu horeeyay uu ku tagay deegaanka Ceeldibir oo mudooyinkii u dambeeyay ay kasoo yeerayeen qeylo dhaan la xariirta adeegyada bulshada kuwaasi oo ay ugu daran tahay adeegyada dhanka caafimaadka.

Wafdiga waxa ay kulan gaar ah la qaateen maamulka deegaankaasi, iyagoo warbixin ka dhageystay Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale, kaasi oo ka hadlay xaaladda deegaanka gaar ahaan amniga, Waxbarashada, Biyaha iyo Caafimaadka oo uu xusay in uu yahay midka ugu daran ee ay bulshada deegaankaasi ka qeyla dhaaminayeen sanadihii u danbeeyay, isagoo sheegay in gabi ahaanba aysan jirin xarumo caafimaad oo ay gacanta ku hayaan hay’adaha ka shaqeeya Gobalka balse Maamulka oo kaashanaha shacabka iyo ganacsatada deegaankaasi ay iska kaashadeen in si ku meel gaar ah ay u furtaan xarunta Hooyada iyo dhallaanka (MCH) kaasi oo aan dabooli karin baahida caafimaad ee deegaanka ka jirta.

Intaasi kadib ayaa waxa Guddoomiyaha Gobalka Mudug iyo wafdigiisu ay kormeer ku sameeyeen saldhiga ciidanka booliiska, ceelka biyaha laga cabo iyo xarumaha caafimaad ee deegaankaasi oo isugu jiray kuwa xirmay iyo kuwo si ku meel gaar ah usii shaqeeya, iyadoo kormeerka kaddib Guddoomiyaha Gobalka iyo qaar ka mid ah xubnihii qurba joogtaa ee socdaalkiisa ku wehliyay ay sheegeen in ay ku dadaali doonaan in ay caawinaad  ka geysanayaan  baahiyada ka jira deegaankaasi Ceeldibir.

Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Mudug ayaa sidoo kale maalmaha soo socda kormeero xaqiiqo raadin ah oo la xariirta baahiyada adeegyada bulshada ku tegi doona deegaanno fara badan oo ka tirsan Gobalka Mudug.

W/D: Wariye Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...