Gaalkacyo (SNTV)βBulshadaΒ ku nool dhanka waqooyi ee degmada Gaalkacyo ayaa garoonka kubbadda cagta Cawaale si wayn ugu soo dhaweeyay Raβiisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo galabta socdaal kusoo gaaray dhanka waqooyi ee magaalada.
Garoonka Cawaale oo loogu magac daray halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad u badan dhallinyaro xamaasadeysan oo isu abaabulay soo dhaweynta Raβiisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kuna dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan dowlad jaceylka ay qabaan iyo sida ay ugu faraxsanyihiin socdaalka wafdiga uu Raβiisul Wasaaruhu hoggaaminayo.
Raβiisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bulshada waqooyiga Gaalkacyo uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u sameeyeen ayaa ku dhiirri geliyay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta gobannimada iyo xornimada ay soo hooyeen dhallinyaro badankood kasoo jeeday gobalka Mudug.
βHalyaayadii Soomaaliyeed waxa ay nooga tageen in Quluubta ummadda Soomaaliyeed marna xuduud kala yeelan karin. Gaalkacyo waqooyi iyo Koofurba waa Soomaali oo aan la kala qaadi karinβ, ayuu yiri Raβiisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Raβiisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada.
βShacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladdaβ, Ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.













