Duqa Muqdisho oo furay tartanka Kubadda Gacanta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane;  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng; Yariisoow), ayaa Shalay Galab Garoonka Wiish ee Degmada C/casiis ka furay Koob Kubadda Gacanta oo loo qabtay Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen Degmooyinka Hodan iyo Xamar-weyne, ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka Cayaaraha ee heer Gobol, masuuliyiin ka tirsan xiriirka kubadda gacanta Soomaaliya iyo boqolaal dadweyne ah oo usoo daawasho tagay.

Goddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in cayaaraha ahmiyad gaar ah u leeyihiin horumarka iyo isdhexgalka bulshada Caasimadda.

“Waxaan halkan ka fureynaa tartanka Degmooyinka ee Kubada Gacanta, Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka caasimadda, waxaan rabnaa inaan uga mahad celino doorka muhiimka ah ee ay ka qaataan horumarka iyo dib-u-dhiska”ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Eng; Yarisow ayaa tilmaamay soo nooleynta Kubadda Gacanta in ay ka tarjumaysaa aragtida maamulka Gobolka Banaadir uu ku soo nooleynayo sidii ay barisamaadkii ahaan jireen tartamada kala duwan ee cayaaraha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada qorsheyaal ay Dhallinyaradu isku dhexgalaan, kagana fogaadaan fekradaha xagjirnimada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...