Dhagar-qabayaal Al-shabaab ahaa oo xukun dil ah lagu fuliyay

Date:

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa xukun dil ah ku fulisay 3 dhagarqabayaal ah,kuwaasi oo ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Naasa-Hablood2 ee magaalada Muqdisho,28,Oct sanadkii 2017,kaasi oo khasaare dhaliyay.

Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda.

Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:-

1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud.

2- C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud   ku dhashay Gedo

3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo  eedeeyay  Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo  in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay  18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale.

Taariikhdu ahayd  30/05/2018  waxey  maxkamada ciidamada qalabka sida ku  Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo  Taariikhdu markay ahayd   28/10/2017.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...