Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhallinyarada Gaalkacyo Kala Hadlay Dhameystirka Hey’adaha Dowladeed ee Galmudug

Date:

SNTV:- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada.

Kulanka ayaa looga hadlay doorka dhalliyaradu ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska Galmudug iyo guud ahaan dalka, mideynta awoodda dhallinyarada iyo u diyaarinta dhallinyarada hoggaaminta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u sheegay dhallinyarada in magaalo iyo deegaan kasta oo uu tago uu kulanka ugu horreeya la yeelanayay dhallinyada oo muhiimad gaar ah uu siinanayay isaga oo sababtu ku sheegay in dhallinyaradu yihiin hoggaanka mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay in ay sii ogaadaan fursadaha iyo caqabadaha, fikirkoodana ay ku biiriyaan hannaanka horumarinta qaranka.

Dhalinyarada uu Gaalkacyo kula kulmay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku boorriyay in ay is  abaabulaan, muujiyaan cududdooda si ay iyagu u doortaan hoggaankooda mustaqbalka, waxa uuna kula dardaarmay in is abaabulka ka billaabaan Gaalkacyo kadibna ay ku xirmaan dhalliyarada deegaannada ku xeeran si ugu dambeyn loo helo cod dhallinyaro Soomaaliyeed oo mideysan, kana madax bannaan kooxeysi iyo qabiileysi, looguna wada istaago danta guud.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo dhallinyarada Gaalkacyo ayaa qayb ka ahaa kulamo xiriir ah oo uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre deegaannada Galmudug uu kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada si ay taladooda ugu daraan qorshaha dhismaha Galmudug dhammeystiran, loo dhanyahay, kana shaqeysa danaha reer.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...