Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay Qarax lagu fashiliyay Muqdisho & argagixiso la toogtay

Date:

SNTV:- Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa faah faahin ka bixisay Qarax ay ciidamada amniga ku fashiliyeen magaalada Muqdisho iyo labo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay bar koontarool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan.

Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo horay ula socday xogta Qaraxa ay fashiliyeen gaari Qarax oo la rabay in lagu waxyeeleeyo shacabka,wuxuuna dhagar qabanaha isku dayay inuu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran ciidamada ammaanka.

“ Hay’adaha Amniga oo xogta qaraxa horay ula socday ayaa manta fashiliyay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo, dhagar qabaha ayaa is ku dayay in uu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran Ciidamada amaanka, waxaa hay’adaha amaanka u suurtagashay in ay xiraan goobtaas shacabkana ay ka fogeeyaan qaraxa ka hor. Nasiib wanaag wax dhimasho iyo dhaawac shacab ah kama aysan dhalanin qaraxaas,” ayay tiri Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed.

Dhanka kale waxeey Ciidamada amniga dileen labo ka tirsan argagixisada Al Shabaab oo isku dayay in ay xoog ku soo maraan bar kontrool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan.

Ugu dambeyntii,Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boolska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakaye Xuseen Axmed ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Shacabka Xogta la wadaagay Hay’adaha amniga ka dib markii ay Hay’adaha amniga horay digniin uga bixiyeen gaariga maanta Qarxay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta Dalka

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Gorgor oo howlgallo qorshaysan ka fuliyey Jowhar

Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed, Guutada 18-aad...

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta XFS “Aqoonsiga Israel ee Somaliland waa xadgudub,waxaana u wajahaynaa si dublamaasi ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...