Qorshaha Hay’adda Caalamiga ah ee IOM ay Kaga Hawl-galayso Dalka Somaliya 2019-2021

Date:

Muqdisho (SNTV):– Maanta oo Isniin ah, hay’adda IOM waxa ay daah-furaysaa qorshaheeda istiraatiijiyadda ee ay ka howgaleyso dalka Soomaaliya (IOM Somaliya Mission Strategy)  muddada 2019-2021ka, iyada oo ay kala shaqeynayso Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya. Waxa kale oo daah-furkan ka soo qeyb-galay qeybaha kale ee daneeyeyaasha dawladda, kuwo heer Faderaal iyo mid maamul goballeed ba.

Hay’adda IOM, waxa ay ku faraxsan tahay in ay soo bandhigto qorshaheeda oo ah mid waafaqsan qorshaha horumarinta Qaranka ee dowladda Faderaalka Soomaaliya. Qorshahani, waxa uu diiradda saarayaa baahiyaha dalku u baahan yahay iyo sida IOM ay wax uga qabaneyso iyada oo ku saleynaysa howlahii waxtarka lahaa ee ay ka qabatay Soomaaliya laga soo bilaabo illaa 2006dii, waxaana ay hay’addu ka shaqeysaa dhammaan Dowlad goboleedyada oo dhan iyo gobolka Benaadir ee Soomaaliya oo ay u joogaan in ka badan 400 howlwadeen ah.

Intii uu shirka socday ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Mohamed Hassan wuxuu yiri “IOM waxa ay nala wadaagtay qorshahooda ku aadan dhaqan galinta istraatiijiyadda ay dalka ugu shaqeynayaan taas oo waafaqsan qorshaha horumarinta Qaranka, Wasaaradduna waxa ay xoogga saareysaa sidii ay IOM ugala shaqeyn laheyd fulinta qorshahooda cusub oo soconaya seddexda sano ay nagu soo aadan.

Qorshaha IOM, waxa uu ka kooban yahay saddex tiir oo waaweyn kuwaas oo kala ah gargaarka bani-Aadamtinnimo (Humanitarian Response), dib u soo kabashada iyo  helidda xal-waara(Recovery and Durable Solutions) iyo arimaha tahriibka iyo horumarinta (Migration Governance and Development).

Tiirka 1aad.

Gargaarka bani-Aadamtinnimo waa mid lagu badbaadinayo nafta dadka aafoyinka iyo dhibbaatooyinku haleeleen, waxaana ay hay’adda IOM ay diiradda saaraysaa siddii dadkaas looggu fidin lahaa gargaar bani-Aadamtinimmo oo deg deg ah.

Tiirka 2aad .

Soo kabashada iyo  helidd xal-waara, tan macnaheedu waxa weeyaan in hay’adda IOM ay sameyn doonto in dadkii gargaarka bani-aadamnimo loo fidiyey loo qaban doono waxyaabo xal u noqda jiritaankooda nololeed ee muddo dheer taas oo laga sameyn doono dhammaan Dowlad gobolleedyada, barakacayaasha dalka dhexdiisa iyo weli ba dadka dalka dib ugu soo noqdey

Tiirka 3aad.

Arimaha tahriibka iyo horumarinta oo ah tiirka saddexaad, waxa uu ka hadlayaa siddii hay’adaha dawladda loogala shaqeyn lahaa kor-u-qaadidda adeegyada loo qabanayo bulshada iyo siddii loo xoojin lahaa dawladnimada iyo horumarka.dhanka tahriibka.

Haddaba, si qorshahan loo hir-geliyo sannaddada soo socda, waxay IOM xoojinaysaa balan-qaadkeedii ahaa in ay si dhow u la shaqeyso Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Wasaaradaha Xukuumadda iyo Dawlad gobolleedyada..

Madaxa ugu sarreeya hay’adda IOM Dyne Epstein, waxay dawladda Somaliya uga mahad-celinaysaa wada-shaqeynta dhow ee sanadaddii hore ay la sameysay IOM, sida oo kale waxa ay hay’addu rajeynaysaa in la sii xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan oo dhan si hore looggu socdo.

Ms. Epstein oo hadalkeeda sii wadata, waxay tidhi: “ Si loo helo Soomaaliya xasiloon, waxay IOM balan-qaadeysaa in si xooggan ay uga shaqeynayso, Dalku wuxuu soo celiyay rejada iyo kobcinta khayraadka, waxaana aan ku faraxsanahay in aanu qeyb ahaano nidaamkaa socda.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...