Guddoomiyaha cusub ee Xamar jajab oo xilkii la wareegay

Date:

Muqdisho-(SNTV)- Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar jajab, Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oranjo) ayaa Maanta xilka ku wareejiyay,  Guhaad Sheekh Xasan Cali, oo uu dhowaan soo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Degmada Xamar jajab, ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Degmada.

Guddoomiyaha haatan xilka wareejiyay, Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oranjo) ayaa Bishii Jannaayo ee Sanadkan loo Magacaabay xilka uu Maanta banneeyay, isagoo muddadii uu halkaa joogayna qabtay howlo badan oo wax ku ool u ah adeegyada kala duwan ee arrimaha Buslshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...