Muqdisho-(SNTV)- Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar jajab, Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oranjo) ayaa Maanta xilka ku wareejiyay, Guhaad Sheekh Xasan Cali, oo uu dhowaan soo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta Degmada Xamar jajab, ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Degmada.
Guddoomiyaha haatan xilka wareejiyay, Ismaaciil Muqtaar Cumar (Oranjo) ayaa Bishii Jannaayo ee Sanadkan loo Magacaabay xilka uu Maanta banneeyay, isagoo muddadii uu halkaa joogayna qabtay howlo badan oo wax ku ool u ah adeegyada kala duwan ee arrimaha Buslshada.