Agaasimaha Madaxtooyada oo la kulmay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda

Date:

Muqdisho (SNTV) Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran ee Muwaadiniinta (National ID) iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda.

Kooxda Barnaamijka Kaararka Aqoonsiga Qaran ayaa uga warbixiyey Agaasimaha wixii uga qabsoomay barnaamijkan muddadii la soo dhaafay iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha dowladda ee qaybta ka ah qorshaha sameynta Kaararka Aqoonsiga Qaran.

Dr. Nuur Diiriye Xirsi oo tilmaamay muhiimadda uu barnamijkani u leeyahay ganacsiga, amniga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa ku adkeeyey khabiirradan Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya barnaamijka in ay si dhaw ugala shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee Xukuumadda.

Dhanka kale, khubarada Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda ayaa la wadaagay Agaasimaha muhiimadda Barnaamijka Aqoonsiga Qaran uu u leeyahay dagaalka maaliyadeed ee ka dhanka ah argagixisada iyo in laga dabargooyo ilaha dhaqaale ee maalgaliya falalka arxan darrada ah ee ay ku beegsadaan shacabka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Madaxtooyada ayaa kula dardaarmay hawlwadeennada xaruntan in ay darargeliyaan shaqadooda, maadaama ay kaalin ka qaadan karaan qorshaha Dowladda ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo sumcad soo celinta dhaqaalaha dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...