Madaxweyne Farmaajo oo billad sharaf guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada abaalmarinno ku guddoonsiiyay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda, islamarkaana uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay qabteen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku bogaadiyay abaabulkii xoogganaa ee ay sameeyeen, wuxuuna ku ammaanay dadaalka ay muujiyeen iyo sida ay Mas’uuliyadda isaga saareen qabanqaabada iyo maamuuska Maalmaha Xorriyadda Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan Qaran oo mudan in la weyneeyo, si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiga ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda, maadaama ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha.

Madaxweynaha ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...