Madaxa Golaha Ciidamada Suudaan oo la kulmay Safiirka Soomaaliya ee dalkaas

Date:

Madaxa Golaha Ciidamada ku meel-gaarka ah eeย  ย dalka Suudaan ayaa shalay oo Talaado ah ย xafiiskiisa kula kulmay safiirka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliyaย  oo muddo xileedkiisa dhamaaday.

Warsaxaafadeedย  uu soo saaray Safiirka Soomaaliya ee Suudaan C/risaaq Axmed .Sh. Maxโ€™uud ayuu ku xusay qoto dheeridaย  xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan, wuxuuna intaasiraaciyay inuu kaga mahadcelinayo Madaxa Golaha Ciidamada, xukuumadda iyo shacbiga Suudaan, garab istaaggii iyo taageeradii ย walaalahooda dhabta ah ee Soomaaliya, sidoo kalana ay Soomaaliya taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay walaalahooda Suudaan, wuxuuna Danjire C/risaaq Axmed .Sh. Maxโ€™uud xiriirka labada dal ku tilmaamay mid soo jireen ah.

Dhanka kale Safiirka Soomaaliya ayaa shacbiga Walaalaha ee Suudaan u rajeeyay midnimo ,wadajir iyo Xasillooni, Wuxuuna yiri โ€œ qofka caaqilka ah waa kan ku tusaale qaata duruufaha dadka hareerihiisa la kulmaanโ€ waxaana loo baahan yahay ayuu yiri in wax laga barto xaaladaha adag ee soo maray qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Suudaan.

Danjire C/risaaq Axmed .Sh. Maxโ€™uud ayaa ugu danbayntii warsaxaafadeedkiisa ugu mahadceliyay xukuumadda iyo shacbiga Suudaan gacansiintii wanaagsanayd uu ka helay muddo xileedkiisii danjirannimo, Shacbiga Suudaanna wuxuu u rajeeyay degenaansho iyo barwaaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale