Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose oo Guddoomiye cusub u magacaabay deegaanka Bariire

Date:

Muqdisho (SNTV) Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Guddoomiyaha cusub ee deegaanka Bariire loogu magacaabay Cumar Cabdi Xasan.

Guddoomiyaha Gobalka Ibraahim Adam Cali Najax ayaa Guddoomiyaha Cusub ee deegaanka Bariire u rajeeyay in xilka uu alle u fududeeyo, isagoo kula dardaarmay in shaqadiisa uu  si wanaagsan u guto.

Ciidamada Qalabka sida ayaa deegaanka Bariire ka ka saaray maleeshiyaadka arxanka daran ee argagixisada Alshabaab oo dhibaatooyin ay kamid yihiin kuwa dhinaca aadanaha oo xooggan ku hayay mujtamaca Soomaaliyeed ee kudhaqan deegaankaasi, iyadoo ay xusid mudantahay in Ciidamadu ay weli sii baacsanayaan argagaxisada Alshabaab.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...