Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare oo qaabilay Wakiilka QM ee Soomaaliya

Date:

Muqdisho (SNTV) Kulanka uu Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu la qaatay ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxa uu ahaa kulan looga hadlayay xaaladda guud ee dalka iyo xiriirka wada shaqayn ee Aqalka Sare Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Habdhooraha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macalin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ay ka wada hadleen arrimaha Baarlaamanka, Dowlad Goboleedyada iyo Doorashooyinka Dhawaan ka dhacayo Maamul Goboleedyada.

Senator Cabdikaafi Macalin Xasan ayaa xusay in  Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka uu u safray dalka Ruushka, isagoo casuumad ka helay Baarlamaanka Dalkaasi Ruushka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde Airport waxaa uu ku sagootiyay qaar ka mid ah Xildhibaannada Aqalka sare iyo howl wadeenada Golaha Aqalka sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa...

Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir oo ka dhiidhiyay faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Gobolka Banaadir, Cumar Faaruuq, ayaa si kulul...

Culimada Soomaaliyeed oo banaanbax ka dhan ah Xadgudubka Israa’11l ka dhigay Taallada Daljirka Dahsoon.

Banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Culimada Soomaaliyeed ayaa...

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay faragelinta Israa’11l.

Guddoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Suufo Yare, ayaa...