Horjooge ka tirsan Argagaxisada Al-Sabaab oo isa soo dhiibay

Date:

Muqdisho (SNTV) Horjooge Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey) ayaa isku soo dhiibay Hay’adda NISA kaas oo Muqdisho laga soo dajiyay maanta.

Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Ganeey uu muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu NISA ka dalbaday inay u sahasho sidii uu Al-Shabaab uga soo goosan lahaa.

“Waxaa hadda Muqdisho soo gaaray Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa”.

Mudooyinkii u dambeyay waxaa sii kordhayay Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka  Al-Shabaab ee soo dhiibeya kuwaas oo la sheegay in ay ka cararayaan Howlgala Ciidanka ee ka Dhanka ah Argaggixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...