Dhallinyarada Caabudwaaq oo Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre La Qaatay Kulan Su’aalo lagu waydiinayay Dhalinyarada โ€œSawirroโ€

Date:

Muqdisho (SNTV)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ย mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan Xildhibaanno kasoo jeeda degmada Caabudwaaq iyo Wasiirro ayaa gudaha Caabudwaaq ee Gobalka Galguduud kulan kula qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaaladaasi.

Dhallinyarada oo kulanka suโ€™aalo ku waydiinayay Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale u jeediyay tallooyin iyo tusaalooyin kuwajahan sida ay dhallinyaradu uga qayb qaadan karaan dadaalada horumarineed ee ka socda gudaha dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo dhallinyarada uga jawaabay suโ€™aalihii ay waydiiyeen ayaa ku ammaanay dowrkooda dib-heshiisiinta iyo horumarka deegaanka.

Raโ€™iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhallinyarada ugu bishaareeyay in dowladdu ay ku shaqaynayso aragtida muwaadiniinteeda Soomaaliyeed oo dhallinyaradu qaybta ugu wayn ka yihiin, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay is abaabulaan oo ay dhaliyaan isbedelka oo cid aan dhallinyarada ahayn lagaa sugin isbedelka uu dalka u baahanyahay.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...