Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo booqday xarumaha qaar kamid ah Shirkadaha dhismaha Iyo Gawaarida Dalka Shiinaha

Date:

Beijing-(SNTV):- Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, mudane ; Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ku sugan Dalka Shiinaha, ayaa Maanta booqasho ku tegay xarumaha Seddax Shirkadood oo Laba kamid ah ay ka shaqeeyaan soo saarista qalabka culus ee dhismaha iyo shirkad soo saarta Gawaarida.

Mudane; Mahdi oo lagu casuumay bandhig Carweed ay Gobolka Hunnan ee Dalka Shiinaha kusoo bandhigayeen Shirkadaha waxyaabaha ay u iib geyn karaan Dunida inteeda kale, ayaa booqday xarumaha Shirkadaha Sany, SAIC Volkswagen Automotive Co, Ltd iyo China Railway Construction Heavy Industry Co Ltd.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa soo Indha0Indheeyay dhammaan waxyaabaha ay soo saaraan Shirkadaha ay booqdeen, waxanay madaxda Shirkaduhu u sheegeen in ay ku hamminayaan in qalabka ay soo saaraan loo iib keeno Dalka Soomaaliya.

Shirkadda SAIC Volkswagen Automotive Co., Ltd waxa ay kamid tahay shirkadaha  sameeya Gaadiidka  ee laga leehay Dalka Shiinna, Shirkadda China Railway Construction Heavy Industry Co. Ltd. ayaa iyana soo saarta Mashiinnada dhismaha, halka Shirkadda Sany Heavy Industry Co., Ltd. ay soo saarto qalabka culus.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...