Ra’iisul Wasaare Khayre: Waxa aan Idinkugu Imid in aan idinkala Shaqeeyo Dhismaha Gal-mudug Oo Midaysan “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho (SNTV)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo meel fagaara ah kula hadlay bulshada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul gobolleedka Galmudug oo uu gaaray maalinimadii shalay ayaa sheegay in uu magaalada u yimid in reer Gal-mudug uu kala shaqeeyo dhismaha Dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag oo ka shaqeeya danaha reer Gal-mudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Khayre oo Madaxynaha iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedaka Gal-mudug uga mahadceliyay aqbalaadooda qabsoomida doorshooyinka Gal-mudug, ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada Gal-mudug ugu baaqay in ay u midoobaan ka shaqaynta horumarinta Gal-mudug.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale ganacsatada ugu baaqay in ay maal gashadaan Gal-mdug si ay uga qayb qaataan horumarka la tiigsanayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay socdaal shaqo kusoo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Gal-mudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...