Wejiga Labaad ee dib-u-habaynta Ciidammada oo Billowday

Date:

Muqdisho (SNTV)–Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kadib markii wejigii koowaad uu si guul ah kusoo dhammaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu shaacinayay bilaabshada wejiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka dhacday taliska ururka lixdanaad ee ilaalada madaxtooyada.

Wejiga labaad ayaa ka koobnaan ku hubinta ciidamada goobihii lagu diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo tayada ciidamada, si loogu saleeyo dhameystirka
baahida ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi “Indho qarshe” ayaa xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo hooyeen dib-u-habaynta ciidamada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada.

Taliyaha ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya goobaha ay ciidmada ku suga yihiin.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an in uu ku guulaysto dib-u-habaynta ciidamada qalabka Sida oo qayb ka ah halbeegyada ugu muhiimta tubta amniga iyo caddaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...