Baarlamaanka Oo Ansaxiyay Hindise Sharciyeedka Guddiyada La Dagaalanka Musuq-maasuqa “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho (SNTV)-Kulanka guud ee Xildhibaanada Golaha BJFS Oo uu maanta shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa ugu horreeyn ka hadlay Guddoomiye kuxigeenka 2-aad  ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu go’aan ku gaaray in xeer-hoosaadka lala tiigsado xildhibaankii sabab la’aan ay ku soo baxdo shaqa gudasho la’aan.

Intaasi ka dib Guddiga Cadaaladda ee Golaha Shacabka ayaa xildhibaanada ka codsaday in ay ansixiyaan Hindise sharciyeedka guddiyadda la dagaalanka musuq maasuqa Oo ay wax ka bedel ku sameeyeen islamarkaana uu dib golaha ugu soo celin lahaa Golaha Aqalka Sare.

Axmed Xaaji Taaw oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay madasha ayaa golaha ka codsaday in ay ansixiyaan hindise Sharciyeedka.

Ugu dambeeyntii Xildhibaanada ayaa cod u qaaday hindise sharciyeedka si loo ansaxiyo iyadoo 149 xildhibaan ay codka HAA siiyeen hindise sharciyeedka waxaana diiday Hal xildhibaan oo keliya, Halka uu hal xildhibaan ka aamusay,

Natiijada codkii la qaaday ayaa waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...