Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo boqday Deegaanka Al-Shabaab laga xoreeyey ee Af-urur

Date:

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cisaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray deegaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Socdaalkan oo u jeedkiisu ahaa u kuurgalka xaaladda deegaankaaasi, waxaana Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinaayey xubno ka tirsan Golaha wasasiirada, Afhayeenka Madaxtooyada, Guddoomiyaha gobolka Bari Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Kusimaha Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay gaareen Af-urur waxaa soo dhawayn ballaaran ku qaabilay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kuwaas oo shucuur wanaagsan laga dheehanayo wejiyadooda iyo Jaceylka ay u qabaan Madaxdooda.

Madaxweynaha Ku-xigeenka oo la hadlay dadweynaha deegaanka Af-urur ayaa uga mahadnaqay soo dhoweyn ballaaran oo ay u sameeyeen, waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay socdaalkiisii ugu horeeyey inuu deegaankan ku soo gaaro oo muhiim u ah Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash waxaa uu kulan gaar ah la qaatay dadka deegaanka, waxay uga warbixiyeen baahiyaha degaanka ee u baahan wax ka qabashada, iyagoo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashadiisa.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenma Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ballan-qaaday in si deg deg ah loo howl gelidoono baahiyaha ka jira deegaanka ee ay soo gudbiyeen, waxaana uu bulshada Af-urur kula dar-daarmay inay qayb ka noqdaan horumarka deegaanka, isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidmada Ammaanka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...