Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xaflad duco ah u qabatay Shahiid Xuseen Ceelaabe Faahiye

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Sabtidii xaflad duco ah u qabatay Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ku shahiiday weerar gaari biimaysan loo adeegsaday oo lala beegsaday gaadiid dad rayid ah ay leeyihiin oo isku dayayay inay ka gudbaan bar baaris ciidan oo ku dhow Daljirka Dahsoon ee Muqdisho 22-kii bishii hore ee May.

Wasiirka Maaliyadda, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo hadal ka jeediyay kulanka ducada ayaa sheegay in mabaadiida qaran ee uu dhaqangeliyay Marxuum Xuseen Ceelaabe intii uu ku jiray geedi socodkiisaa qorsheynta , maaliyadda iyo diblomaasiyadda ay dhabbo wanaagsan u xaartay howlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Xuseen Ceelaabe Faahiye waxa uu noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda sanadkii 2007. Waxa kale oo uu qabtay xilalka Wasiir ee Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta ee Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya intii u dhexeysay sanadihii 2005-2007. Waxa uu noqday muddo 12 sano ka badan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Ceelaabe kama aanu cararin dalka intii uu socday dagaalka sokeeye, magangalyana uma doonan dalal kale, hayeeshee waxa uu doorbiday inuu ku nagaado dalka, oo uu u adeegayay muddo 58 sano, oo ay ku jirto 13 sano oo uu ka howlgalayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxa uu in badan oo waqtigiisa nololeed ku bixiyay u adeegidda dalkiisa iyo dadkiisa si daacadnimo ah oo nafhurnimo leh.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cali ayaa ka sheegay isu imaatinka ducada in Shahiid Xuseen Ceelaabe uu kaalin muuqata ka qaatay iskudubaridka ololaha bani’aadannimo ee Dowladda ay fulisay sanadkii 1974, kaasi oo dib u dejin loogu sameeyay dad ku dhow nus milyan ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyi iyo gobollada bartamaha oo loo raray gobollada koonfureed si looga badbaadiyo abaartii darnayd ee loogu magacdaray ”abaartii daba-dheer” ee saamaynta ku yeelatay deegaanno badan oo dalka ka tirsan.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Faarax ayaa ka sheekeeyay taariikh nololeedka Shahiid Xuseen Ceelaabe, halka Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan oo xubin ka ah Guddi latalin oo hoostaga Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Nuur Axmed Wehliye oo lataliye ka ah Wasaaradda Qorsheynta iyo Mudane Xuseen Siyaad (Caato) oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyadda ay soo bandhigeen guulaha shahiidka.

Aayadado Qur’aanka Kariimka iyo ducooyin islaami ah ayaa laga akhriyay bilowga iyo dhammaadka xafladda ducada oo lagu qabtay dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyadoo ay ka soo qeybgaleen qaar ka mid ah xubnaha labada aqal ee baarlamaanka federaalka, danjireyaal, qaar ka mid ah Agaasimeyeyaasha Guud ee Wasaaradaha, diblomaasiyiin, shaqaallaha rayidka iyo qaar ka mid ah ehellada shahiidka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...