Tartamayaasha Dhahar oo caawa kaalinta saddexaad ku guuleysatay

Date:

Muqdisho (SNTV):- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa sodonaad ee kaalinta 3-aadku tartamay Degmooyinka Dhahar iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhahar iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, maadaama loo tartamayay kaalinta 3-aad, waxaana uu ahaa kii ugu xiisaha badnaa, uguna adkaa inta uu tartanka socday mudada 30-ka cisho.

Dhahar

Tartameyaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhahar ay heleen waxay noqotay  toban (10) dhibcood. 16-dhibcood

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Dhahar, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Markii tartanka uu ku soo idlaaday waqtigii loogu talagalay bar bar dhac, 10 iyo 10, ayaa lagu daray su’aalo dheeri ah, waxaana la weydiiyay min shan su’aal, iyadoo Yaaqshiid ay la timid afar dhibcood, halka Dhahar ay heshay lix dhibcood, wadarta guud Yaaqshiid ayaa noqontay 14 dhibcood, waxaana Dhahar ay heleen 16 dhibcood.

Hadaba kulankii 30-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa kaalinta saddexaad ku guuleystay tartamayaasha Dhahar Gobolka Sanaag.

Habeen dambe oo ah habeenka 31-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa kulankiisa kama dambeysta ah (Final) ku tartami doona Degmooyinka Kismaayo iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana Kismaayo ay u noqoneysaa markii labaad oo xiriir ah ay soo tiigsato final.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...