Tartamayaasha Dhahar oo caawa kaalinta saddexaad ku guuleysatay

Date:

Muqdisho (SNTV):- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa sodonaad ee kaalintaย 3-aadku tartamay Degmooyinka Dhahar iyo Yaaqshiid oo ka kala tirsan Gobollada Sanaag iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhahar iyo Yaaqshiid ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, maadaama loo tartamayay kaalintaย 3-aad, waxaana uu ahaa kii ugu xiisaha badnaa, uguna adkaa inta uu tartanka socday mudada 30-ka cisho.

Dhahar

Tartameyaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeenย Shanย suโ€™aal, iyagoo iska qaldayย Laboย suโ€™aal, ma jirin wax ka faaโ€™iideysi oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhahar ay heleen waxay noqotayย ย tobanย (10) dhibcood. 16-dhibcood

Yaaqshiid

Tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeenย Afarย suโ€™aal, iyagoo iska qaldayย Saddexย suโ€™aal, waxa ay ka faaโ€™iideysteenย halย suโ€™aal oo soo hareer martay tartamayaasha Dhahar, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Yaaqshiid waxay noqotayย Tobanย (10) dhibcood.

Markii tartanka uu ku soo idlaaday waqtigii loogu talagalay bar bar dhac, 10 iyo 10, ayaa lagu daray suโ€™aalo dheeri ah, waxaana la weydiiyay min shan suโ€™aal, iyadooย Yaaqshiidย ay la timid afar dhibcood, halka Dhahar ay heshay lix dhibcood, wadarta guud Yaaqshiid ayaa noqontay 14 dhibcood, waxaana Dhahar ay heleen 16 dhibcood.

Hadaba kulankiiย 30-aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa kaalinta saddexaad ku guuleystay tartamayaasha Dhahar Gobolka Sanaag.

Habeen dambe oo ah habeenkaย 31-aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa kulankiisa kama dambeysta ah (Final) ku tartami doona Degmooyinka Kismaayo iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir, waxaana Kismaayo ay u noqoneysaa markii labaad oo xiriir ah ay soo tiigsato final.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...