Ciidamada Myanmar oo mar kale ku dhaqaaqay dambiyo dagaal

Date:

Hey’adda Qaramada Mdoobay u qaabilsan Xuquuqul Insaanka (Amnesty  International)ayaa sheegtay in ciidamada Myanmar ay soo cusbooneysiiyeen weerarada lagu xasuuqayo Muslimiinta Rohingya ee ku nool gobolka Rakhine .

Hey;adda ayaa xustay in ciidamada Barma ay mar kale fuliyeen falal xasuuqa ah oo la mid ah kii dhacay sanadkii 2017-dii ,kaas oo loo geysanaayo dadka Muslimiinta,gaar ahaan jabhadda  ka dagaalanta Woqooyiga gobolkaasi.

Boqolaal qof ayaa ka barakacay dagaalada u dhexeeya ciidamada iyo jabhadda Mayanmar,waxaana  dad dhibanayaal ah ay sheegayaan in ciidamo ka socda qeybaha 22-aad iyo 55-aad ay wacaan howlgallo xasuuq ah oo lagu baacsanaayo muslimiinta.

Warbixin ay soo saartay Hey’adda Xuquuqul Insaanka maalinimadii Arbacada ayaa lagu sheegay in baaritaan la sameeyay ay muujinayaan in ciidamada Myanmar ay ku dhaqaaqeen dambiyo dagaal iyo xadgudub xagga bin’aadanimada ah.

Hey;addu waxa ay ku baaqday in xasuuqa ka dhacay gobolka ismaamulka Rakhine loo gudbiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada,isla markaana dalkaasi la saaro  cunaqabateyn buuxda.

Khilaafka ka jira Myanmar ayaa kordhay bishii Janaayo ee la soo dhaafay,ka dib markii 13-sarkaal ay dileen Jabhadda Arakan-ka ee la dagaalanta ciidamada dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...