Yaaqshiid oo u soo gudubtay wareegga Sedaxaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa labaatanaad ee wareegga Labaad ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Dhuusamareeb oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Yaaqshiid iyo Dhuusamareeb ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Yaaqshiid

Tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Dhuusamareeb

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday Shansu’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Yaaqshiid, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Hadaba kulankii 20-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Saddexaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 21aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Kaxda iyo Buulaburte oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...