Trump oo ansaxiyay hub ku kacaya $8 bilyan oo doolar oo laga iibiyo Sacuudiga

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ansaxinaya si uu hub uga iibiyo dalka Sacuudiga hubkaasi oo lacagta ku kacaysa lagu qiyaasay balaayiin doolar.

Mr. Trump ayaa si isticmaalaya awoodda sharciga federaalka si uu horey ugu galo heshiiska ku kacaya $8 bilyan oo doolar si uu ugu gudbiyo golaha Koongareeska Mareykanka.

Trump ayaa sidaasi sameeyay isagoo ku dhawaaqay in xiisadaha kacsan ee kala dhaxeeya Iiraan ay tahay mid sii dedejisay in la qaado tallaabo degdeg ah oo qaran.

Talaabada ayaa ka careeysiisay kuwa ka baqdin qaba hubka in loo isticmaalo dadka rayid ah ee kunool gudaha dalka Yemen sida ay sameeyeen ciidamada ay horkacayaan Sucuudiga.

Qaar kamid ah Dimuqraadiyiinta ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha gudbinta Koongareeska maxaayeelay iibka hubka oo ay kamid yihiin bambaanooyinka ay si xooggan uga soo horjeesan doonaan marka la horgeeyo Capitol Hill.

Mareykanka ayaa sidoo kale doonayainuu hub ka iibiyo dowlado ay kamid yihiin Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Urdun.

Xubno katirsan Kongareeska ayaa si culus u cambaareeyay kadib markii ay arkeen cadeeymaha xuquuqda aadanaha ee laga sameeyay doorka ay ku lahayd Sacuudiga dagaalka Yemen iyo dilkii loo geeystay suxufigii Sacuudiga u dhashay Jamal Khashoggi oo bishii October lagu dilay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Maalintii Shalay ee Jimcaha, xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mike Pompeo ayaa ku wargeliyay Kongareeska go’aanka uu qaadanayo maamulka si uu usameeyo iibinta hubka.

Warqad qoraal ah oo si baahsan lagu baahiyay warbaahinta Mareykanka, waxa uu sheegay “in howsha been abuurka Iiraan” ay u baahan tahay “iibin degdeg ah” oo hubka ah.

Dhaqdhaqaaqa Iiraan waxa uu khatar aas aasi ah ku yahay xasiloonida Mandiqadda Bariga dhexe iyo amniga Mareykanka jooga gudaha iyo kuwa ku sugan dibadaha,” sidaasi waxaa qoray Mike Pompeo.

Waxaana uu sheegay in kala wareejinta “ay waajib tahay in uu u dhaco sida suurtagalka ah oo dhaqsiyaha badan si looga hortago faragelinta Iiraan ay ku hayso wadamada gacanka iyo bariga dhexe”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...