Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare Hassan Ali Khaire ayaa Maanta kulan miro dhal ah la qaatay wakiilka Sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini oo booqasho ku timid Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo Marwo Federika Mogherini waxa ay ka wadahadaleen horumarka DFS ay ka sameysay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019.

“Waxa aan Maanta kulan miro dhal ah la qaatay wakiilka Sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga Midowga Yurub, Marwo Federika Mogherini oo booqasho ku timid Muqdisho. Waxa aan ka wadahadalnay horumarka aan ka sameynay howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta Midowga Yurub ee howlaha dowladda Soomaaliya hor yaalla sanadkaan 2019″ayuu yiri Ra’iisul wasaare Khayre

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...