Madaxweynaha Maamulka k/Galbeed oo tacsi u diray ehelada ciidamo ku dhintay qarax gaadmo ah

Date:

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan (laftagareen) ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qarixii shalay ka dhacay degmada Bardaale ee lala eegtay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed.

Madaxweynuhu waxa uu eebe uga baryay dadkii ku dhintay qaraxaasi oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso in uu Janadii Fardowa ka waraabiyo,, eheladii ay ka tageenna  samir iyo iimaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxa uu u xusay  in qaraxa uu ku geeriyooday Sarkaal lagu magacaabi jiray Falar Liibaan Nuur.

Dhanka kale Lafta gareen,waxaa uu ku baaqay in la laba jibaaro dagaalka lagula jiro argagixisada Alshabaab,isagoo intaasi ku daray in ciidamo dheeraad ah la geyn doono degmooyinka iyo deegaanada ay joogaan ciidamada,si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Maxamed Xasan (laftagareen) ,waxa uu ugu dambeyntii ka codsaday Shacabka Koonfur Galbeed in ay kala shaqeeyaan laamaha amniga,sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka deegaanadaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...