Kaxda oo tiigsatay Heerka Labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa labo iyo tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Boosaaso iyo Kaxda oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Boosaaso iyo Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Boosaaso

Tartameyaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boosaaso ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Boosaaso, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay Labo iyo toban dhibcood (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 12aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 13aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinka Waaberi iyo Xudur oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bakool.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...