Kaxda oo tiigsatay Heerka Labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa labo iyo tobnaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Boosaaso iyo Kaxda oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Boosaaso iyo Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Boosaaso

Tartameyaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeenย Afarย suโ€™aal, iyagoo iska qaldayย Saddexย suโ€™aal, ma jirin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boosaaso ay heleen waxay noqotayย sideedย (8) dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeenย Afarย suโ€™aal, iyagoo iska qaldayย Saddexย suโ€™aal, waxa ay ka faaโ€™iideysteenย laboย suโ€™aal oo soo hareer martay tartamayaasha Boosaaso, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotayย Labo iyo toban dhibcoodย (12) dhibcood.

Hadaba kulankiiย 12aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenkaย 13aadย ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona Degmooyinkaย Waaberiย iyoย Xudurย oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bakool.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale