Wasiirka Maareynta musiibooyinka Soomaaliya oo Geneva kaga qeybgalay shirka yareynta Khataraha masiibooyinka,

Date:

Muqdisho (SNTV)– Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiiiboyinka ee Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Geneva uga qeyb galaya markii ugu horeysay shirka caalamiga ah ee yareynta Khataraha masiibooyinka, waxaana socdaalkiisa ku wehliyo Safiirka Soomaaliya  ee dalka Switzerland iyo xubna kale oo ka socda Wasaaradda.

 

Shirkan caalamiga ah oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay ayaa diirada lagu saaray yareynta Khataraha masiibooyinka loo maareyn karo, iyadoo Soomaaliya shirkan ay wax badan kaga baraneyso wadamada kale sida ay u yareeyaan Khataraha maadaama Khataraha aysan xuduud lahayn iyo wada shaqeyn xoogan in ay la yeelato hay’adaha arrimahan ka shaqeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Soomaaliya  Xamse Saciid Xamse  ayaa shirka  ka jeediyey khudbad  uu  kaga hadalay heerarka khatarta Soomaaliya iyo sida ay maareyso, juhdiga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay diirada u saran maareynta khataraha oo aanan lahayn xuduud.

Sidoo kale Wasiir Xamse  ayaa sheegay  hannaanka  siyaasadda yareynta khataraha iyo taabagelinta Sendai Framework oo meel wanaagsan mareyso.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Saciid Xamxe ayaa  la kulmi doonaa wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan yareynta khataraha waxuuna kala hadlo doona sidii Soomaaliya gacan wayn looga siin lahaa maareynta khaataraha oo wax xaduud lahayn.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshayaal wax iyo talaabooyin muhiim u ah dalka si wax looga qabto Abaaraha iyo wax yabaaha dabiiciga ah ee dhaca.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...