Farriinta Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta ee Maalinta Isgaarsiinta Adduunka

Date:

Muqdisho, 17 May 2019 Waxa aan ku faraxsanahay in aan bahda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyo maalintan qiimaha badan ee Maalinta Isgaarsiinta & Bulshada Macluumaadka ee Dunida (World Information Society Day), Maalintan oo hore u ahayd Maalinta Isgaarsiinta Adduunka (World telecommunication Day) oo ku beeggan maalintii la aasaasey ururka Midawga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) ee 17 May 1865 oo ay sanad weliba xusaan dalalka xubnaha ka ah midawga guulaha, horumarka iyo caqabadaha isgaarsiinta adduunka.

Bedelida magaca maalinta ayaa waxa ay ka tarjumaysaa sida ay isku bedeshay saameeynta tiknolojiyada dunida maanta iyo ka-qeyb-galayaasha go,aannada oo u baahan maamulka, iskaashiga adduunka, kawada faaiideysiga fursadaha tiknolojiyada iyo kawada hortaga qataraha cusub ee ay la timid marxaladan.

Ka soo billaaw isticmaalkii Telegraph-ka qarnigii 19-aad, soo ifbixihii Taleefanka iyo maanta oo aan joogno xilligii kacdoonka Internetka oo bedelay habka isgaarsiinta adduunka, isla markaana saameyn weyn ku yeeshay qeyb kasta oo ka mid ah nolosha bini’aadamka haddii ay ahaan lahayd waxbarasho, ganacsi, shaqo, farsamo, iskaashi, iwm.

Haddii aan u soo noqdo dalkeena soomaaliya waxa aan xubin ka noqoney Ururka Midagawga Isgaarsiinta 28 September 1962, waxa aanna qeyb ka ahayn doodaha la xiriira Isgaarsiinta iyo tiknolojiyada dunida tan iyo nasiib darro burburkii dalka wada saameeyey ee sanadkii 1991-kii oo ay wax kasta ku burbureen.

Laga soo bilaabo sanadkii 2017 waxa inoo qabsoomey waxyaabo badan oo hortabin innoo lahaa, waxa aanna sidoo kale xubin firfircoon ka ahayn doodaha caalamka ee isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada dunida,

Waxyaabaha inoo qabsoomey waxaa ka mid ah.

 Diyaarinta Sharciyadii shaqo ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada dalka.
 Waxa aan dib ugu noqoney fagaarayaashii iyo doodahii caalamiga ahaa ee inna quseeyey oo aan muddo ka maqneyn
 Diyaarinta kaabayaasha asaasiga ahaa ee howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo Isgaarsiinta dalka (kuwaas oo ay weli wax weyn qabyo inoo yihiin weli)
 Dhismaha hay’ada Isgaarsiinta Qaranka oo ahayd tallaabo aan uga horreyno dalal badan oo ku yaala qaaradeena
 Tayeynta iyo kordhinta aqoonta shaqaalaha Wasaarada.
 Diyaarinta Siyaasadaha Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada dalka.
 Dib-u-soo celinta dhismayaashii iyo addeegyadii Wasaaradda
 Abbaabulka iyo wada-shaqeyta shirkadaha iyo xirfadleyda isgaarsiinta iyo tiknolojiyada dalka
Fariinteyda maanta waxa ay tahay in aan sidoo kale idin xasuusiyo qorshayaasheena iyo howlaha hortabinta inoo leh marxaladan oo ay ka mid ka yihiin:-

 In aan diyaarino jawi sharciyad iyo soo jiidasho leh oo lagu maalgashado Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada dalka.
 In Tiknolojiyada aan uga faa’iideysano qeybaha kala duwan ee nolosha haddi ay ahaan lahayd, caafimaad, waxbarasho, ganacsi, shaqo, horumarinta maamulka, iwm.
 In aan helno addeeg internet iyo isgaarsiineed oo tayo leh, jaban, la awoodo, ku baahsan dalka oo dhan oo la isku halayn karo.
 In aan helno dhalinyaro aqoon leh ah oo la jaanqaadi karo heerka tiknolojiyada adduunka maanta.
 Dhiirigelinta hal’abuurka tiknolojiyada ee dhalinyarada dalkeena.
 In la dhiiri geliyo kordhinta macluumaadka iyo xogta tayada leh ee ku qoran afka soomaaliga ee laga heli karo Internetka.
 iyo qorshayaal kale oo badan oo aan mid weliba waqtigiisa soo bandhigi doonto haddi eebbe idmo.
Dhinaca kale, aniga oo ka faa’iideysanaya munaasabadan waxaa aan idin xasuusinayaa in ay innaga go,an tahay ixtiraamka xuquuqda hadalka iyo xoriyadaha qofka, waxa aana idiin xaqiijinayaa in aysan marnaba qorshaha jirinin faafreeb iyo caburin, taas bedelkeedana waxa aan qorsheynaynaa annaga oo la shaqeynayna Wasaaraddaha ay khuseyso daraasado ku saabsan isticmaalka internetka ee dadkeena, waxa aanna dejin doonaa qorshe wacyigelin habka isticmaalka wanaagsan iyo ka faa’iideysiga habboon ee Internetka, taas oo uusan macnaheedu ahayn in aan ogolnahay in loo isticmaalo Internetka ku xad-gudubka Diinta, qusuusiyaadka, anshaxa iyo xuquuqaha xafidan, faafinta naceybka, qabyaalada, Xagjirka, iwm, kuwaa oo leh shuruuc kale oo dalka u dagsan.

Waad Mahadsantihiin

Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada

………………………

Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...