Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgalo ka sameeyay Wadada isku xirta Marko, Nambar 50 iyo Laanta Buure

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ciidanka Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ayaa Howlgalo qorsheysan ka fuliyay Wadada isku xirta Magaalada Marko, Nambar 50, Laanta Buure iyo Muure oo aan lamarin mudo kudhow 7sano.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisa ahaa furitaanka Wadadaasi oo Argagixisada Al-shabaab ay ku aaseen Miinooyin si ay dad Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan taasi oo keentay in wadaasi isticmaalkeedu uu yaraado.

Inta uu Howlgalka socday ayaa waxaa lagu soo saaray dhowr Miino oo Aargagixisada wadada galiyeen.

Taliyaha Guutada 14 Oktoobar Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali Axmed (Gaashaan)  oo howlgalka horkacayay ayaa Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in Wadada isku xirta Marko, Afgooye ilaa Muqdisho ay Howlgalo ay kasameeyeen ku guuleysteen haatana nadiif ay tahay islamarkaasna shacabka Soomaaliyeed ay si Nabad ah ugu safri karaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...